Ra’iisul wasaaraha oo Dhuusamareeb kula kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Xeraale iyo Huurshe

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magalaada Dhuusameeb kula kulmay Maanta Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ka xog wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Dadka reer Xeraale iyo Huurshe.

Odaayasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka u sheegay in heshiiskaas uu guulaystay, haatanna Dadku ay ku noolyihiin nabad iyo degganaasho.

Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyay Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen howlaha nabadaynta, wuxuuna kula dardaarmay in la sii xoojiyo dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...