Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo booqday Maxaabiis ku xiran Jiddah

Date:

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu u waramay Wakaaladda(SONNA) goor sii horeysay.

Ujeedka booqashadiisa Amb Ilyaas Sheekh Cumar uu ku tagay xabsiyada ayaa la xiriirta sidii uu u raadin lahaa xuquuqda maxaabiista Soomaaliyeed ku jirta xabsiyada Dalkaasi Sucuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay madaxa Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Shimeys, Cabdlalla Xaaji, Agaasimaha Xarunta, Janaral Usaama Bin Millaax, Agaasimaha Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee xarunta Shimeys,  Al-Sayed Qaliil Bin Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  lahaa arrimohooda,islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa la xiriirtay Amb; Ilyaas Sheekh Cumar si ay xog badan uga ogaato marxaladda ay ku sugan yihiin maxaabiistaasi iyo wixii uu la kulmay.

“Waxaan booqanay xabsiyada si aan u dabagalno xaaladda maxaabiista Soomalaiyeed oo aan cadaaladda deg-deg ah u raadinayno, mas’uuliyiintii aan la kulannay waxaan kala hadlay dhowr arrimood, sida in hadii muwaadin Soomalaiyeed la xiro uu deg-deg cadaalad u helo runtii waan isla qaadanay.

Amb; Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta Xarunta Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jidda, iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqaynta Labada dhinac,isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay abaalmarino la xiriira wadashaqeynta wanaagsna oo ay muujiyeen sida shahaado sharaf, wuxuuna Qunsulka si gaar ah ugu mahad celiyay Boqorka Dalka Sacuudiga iyo dhaxalsugahiisa cafiskii gaarka ahaa ee ay u fidiyeen muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee iska bixin waayay Lacagtii dib u labashada ee halkaa ku xannibnaa.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

Tani ayaa qeyb ka ah guulaha dhinaca diplomasiyadda oo ay soo hoysay dowladda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay,waxaana dalka Sucuudiga uu yahayy dal muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo dowladooda.

W/soo diray: Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga(Cali Jaamac Cilmi(Calikuus)

        

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...