Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay war kasoo baxay Hey’adaha ICRC & SRCS

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.

Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,

Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.

Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya waxa ay dhinaca kale soo dhaweyneysaa War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...