Wasaaradda Waxbarashada oo maanta soo gabagabeeyneysa Imtixaanaadka macalimiinta ee gobollada Mudug iyo Sh/Dhexe

Date:

Imtixaanadan laga qaadayo dhamaan macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gobolka Shabeellaha Dhexe islamarkaana ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa tan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ujeedadiisu tahay hubinta tayada macalimiinta ka howlgasha dugsiyada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Abuukar Maxamed Bacadle oo ah Wariyaha nooga soo warama gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta la soo gabagabeeynayo imtixaankan laga qaadayo macalimiinta  oo soo bilowday sabtidii la soo dhaafay.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee dowladda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Jowhar si ay u soo xiraan imtixaanaadkaasi, iyadoo goobta imtixaanka ay ku sii sugnaayeen mas’uuliyiin ka kala tirsan tirsan Hirshabeelle iyo Federaalka.

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta soo gabagabeeyneeysa imtixaan laga qaadayay macalimiinta ka howlgasha Galmudug oo ka socday magaalada Gaalkacyo kaasoo lagu hubinayo tayada macalimiinta, sida uu ku soo waramay C/risaaq Maxamed Axmed oo ah wariyaha nooga soo warama gobolka Mudug.

Imtixaankan oo kale ayaa hore looga qaaday macalimiinta ka howlagasha gobolka Banaadir, iyadoo 80% ay baaseen halka 20% ay ku dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...