Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaalka Erdugan

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex-controll Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen xubno katirsan xillibaanadda Baarlamaanka, ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Ispitaalka Ordugan ee Muqdisho.

Maamulka Ispitaalka Erdugan ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka Ispitaalku ay guddoomiyaha u sheegeen, in Berri subax ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan Isbitaalka wax looga qaban karin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib, u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Erdugan, sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, waxa uuna dhanka kale mas’uuliyiinta Turkiga ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka Turkiga oo qaraxii saaka ku dhintay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...