Ciidanka xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedc oo howl-gallo lagu baacsanayo Maleeyshiyaadka  nabad-diidka Al-shabab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhexe ayaa lawareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto; Maxamed Cali Bariise.

Degaannada laga eryay nabad-diidka ayaa Al-Shabaab u ahaa goobo muhiim u ah oo ay kasoo maleegi jireen weearrada ay kusoo qaadaan degaanka Geel gub, waxaana haatan soconaya howl-gallo Miino baaris ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaanka.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degaannada laga xoreeyay nabad-diidka ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabooyinka ay Ciidanku ka qaadeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato ba’an ku hayay Dadka halkaasi ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...