Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 15 hor-jooge oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ku dilay how-lgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaannada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose, halka Siddeed kalen ay ku dhaawaceen.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo ah Taliyaha Guutada 11 Qeybta 43 ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-galka hoggaamiyay ayaa sheegay howlgalka uu yimid markii Taliska markii ay heleen xog ku saabsan guluf colaadeed oo ay halkaasi ku abaabulayeen Al-Shabaab, taas oo sababtay in ay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab ay soo maleegayeen, islamarkaana ay ku raadjoogaan firxadkooda.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Gacan iyo taageero dhab ah ka helaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay how-lgallada kadhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay Gacan ku haynta deegaano badan oo ay hore nabad-ddidka u maamulayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...