Hay’adda Socdaalka Oo Tababar U Furtay Qaar Kamid ah Howl-wadeennadeeda ‘SAWIRRO’

Date:

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarigga ka jaray tababar ay ka qeyb galayaan saraakiil iyo howl-wadeenno ka tirsan hay’adda.

Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka iyadoo ay ka faa’ideysanayaan Agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana tabbabarka bixin doona Khubaro Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in ay ka faa’iideystaan tababarka isla markaana dhaqangeliyaan hab-raaca ilaalinta xogta.

Tabbabarada la siinayo howlwadeenada iyo saraakiisha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa qeyb ka ah fududeynta howlaha shaqo ee ay u xilsaaran tahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si ay u dardargeliso adeegyada ay uga baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo tababarkani la filayo in sidoo kale uu kor u qaado horumarinta Hay’adda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...