Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta hortagaya golaha Shacabka

Date:

Xildhibaannada golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay su’aalo waydiinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Xildhibaannada ayaa Wasiirka su’aalo ka waydiin doona arrimo la xiriira howlgallada ay wadaan Ciidamada Qaranka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa wado la xisaabtanka Wasiiradda, waxaana horay u hortagay, Wasiirada Amniga,Gaadiidka iyo duulista hawada iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...