Maamulka Mahaddaay oo codsaday gurmad deg-deg ah.

Date:

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara tuulooyimka Hoosyimaada Degmadaas oo kal hore ku soo butaacay xaafado ka mid ah magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay Mudane Saalax Fuleel Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in xaalado nafaqi darro ah ay ka jirto magaalada, isagoo intaa ku daray in weli xaafado ka mid ah magaalada ay biyo fadhiisad noqdeen.

โ€œDegmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.โ€ Ayuu yiri Saalax.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beniโ€™aadamka.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa hayโ€™adaha samafalka, Madaxda Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ka codsaday inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Mahaddaay iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...