Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Baarlamaanka warbixin u gudbin doona.

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan dooddii la xariirtay sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad.

Sharciga Doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aaddan wax ka baddalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan Baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3-aad.

“Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...