Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay heshiiska Dowladda dhexe iyo Ahlu sunna.

Date:

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.

Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.

Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...