Ciidanka Amaanka oo soo badbaadiyey dadkii ku sugnaa Hotel SYL

Date:

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadkii ugu badnaa ka badbaadiyay dhagartii ay kooxda Al-shabaab ladamacsanaayeen iyaga oo weerar ku qaaday  Hotel-ka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Argagixisadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday hotel SYL halkaasi oo ku sugnaayeen dad shacab ah hase yeshee ciidamada Amaanka ayaa soo badbnaadiyay dadka ka badan 100 qof waxaana dhammaan la toogtay raggii weerarka soo qaaday sid uu inoo xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.

Ciidanka Amaanka ayaa ku guuleystay in gabi ahaanba ka hortagaan dhagartii Argagaxisadu damacsaneyd kuwaas oo ka koobnaa illaa 5 Maleeshiyo.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ciidanka Amaanka lashaqeeyaan si markasta u fududaato in laga hortago dhagarta Argagaxisadu damacsan tahay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...