Wasaaradda Boostada Oo Daah Furtay Wadatashiga Qabyo Qoraalka Siyaasadaha Hirarka ‘Sawirro’

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda ee XS ayaa daah furtay shir wadatashi ah oo loogana hadli doona qabyo qoraalka Siyaasadaha Hirarka, Lambarada iyo isku xirka waxaana ka qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mas’uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta

Shirkan oo socon doona 30 maalmood ayaa waxaa looga doodi doonaa muhiimadda uu u leeyahay qaadashada ruqsadda Isgaarsiinta ee helitaanka adeegyo tayeysan iyo dhiirigelinta adeegga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha laga doonayo inay aragtidooda ku dhiibtaan mudada uu shirka wadatashiga socdo, waxaana uu sheegay shirkan loogu talo galay in lagu arruuriyo tallooyinka xubnaha ka qeyb galay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bille Nuur oo daah furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay qeyb ka tahay halbeegyada Tubta Dhaqaaalaha, uuna rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan guulo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo qabyo qoraalka Siyaasadaha, Hirarka, Lambarada iyo isku xira.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...