Hoggaamiyaha Mayanmar Oo Hortagaysa Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ

Date:

Hoggaamiyaha dalka Mayanmar Aung San Suu Kyi ayaa Hortagaysa maanta oo talaado ah xarunta maxkamadda ee ICJ ee Hague, iyadoo si weyn loo sugayo kiiska la xiriira xasuuqii ka dhacay dalkaasi ee lagu xasuuqay dadka Muslimiinta ah ee Rohingya .

Haweeneydaasi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maalinimadii Axadii ee la soo dhaafay ka dagtay garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schiphol,waxaana la socday Wouter Jurgens, oo ah safiirka Holland ee Myanmar,

Xafiiska Aung San Suu Kyi ayaa bishii hore xaqiijisay in ay ka qeyb galeyso dhageysiga dacwadda maxkamadda ICJ ee ku saabsan in ay xasuuq u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Rakhin, waxaana la socda koox difaacaysa danaha dalkaasi.

Kiiskaan ayaa ah isku daygii ugu horreeyay ee si sharci ah loogu soo oogo Myanmar, kaas oo la xiriira dilal ballaaran oo loo geysto dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

In kabadan 700,000 oo Rohingya, ah oo u badan muslimiin waxay u carareen dalka deriska la ah ee Bangladesh ka dib hawlgal dhiig badan ku daatay oo ay sameeyeen ciidamada Milatariga Myanmar.

Saacadaha soo socda ayaa la saadaalinayaa in  bannaanbaxyo looga horjeedo hoggaamiyaha Mayamar iyo xasuuqii ay geysatay ay ka dhacaan magaalooyinka dalka Holland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...