Wasaaradda Dastuurka oo kullan la yeelatay maamulka gobolka Banaadir

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish), iyagoo kawada hadlay arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka dunida si aragti looga qaato.

Gudoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

Wasiirka dastuurka Mudane Saalax ahmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida maamulka gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka gaa rahaan Dastuurka.

“Dastuurku ma ahan wax wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti kakeenaan aagaga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri wasiirka Dastuurka mudane Saalax Ahmed Jaamac.

Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegistadastuurka.

Arrimaha U baahan wadaxaajoodyada siyaasadeed si loogu daro dastuurka ayaa waxaa loga doodidoonaa banbax howled ballaaran oo ay wasaaraddu la yeelandoonto golahawasiirada si aragti midaysan loogayeesho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...