AMISOM Oo Sheegtay In Ay Gacan Ka Geysanayso Suggidda Amniga Doorashada Soomaaliya Ee 2020/2021

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho madax bannaan si nabad ah Sannadka 2020/2021.

Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie, ayaa u sheegay Bulshada rayidka ah, wakiillada Xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC), in AMISOM oo kaashaneysa daneeyayaasha Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii ay u dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah si xor iyo xalaal ah.

Kailie, ayaa sheegay in hoggaanka Soomaaliya ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka guuraan qaabkii hore ee awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 si loo qabto doorasho qof iyo cod ah iyaguna ay door ka qaadan doonaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod 2020/2021-ka, iyadoo dhinaca kale howl-gallo baaxad leh oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka waddo gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababar u furtay suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo...