AMISOM Oo Sheegtay In Ay Gacan Ka Geysanayso Suggidda Amniga Doorashada Soomaaliya Ee 2020/2021

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho madax bannaan si nabad ah Sannadka 2020/2021.

Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie, ayaa u sheegay Bulshada rayidka ah, wakiillada Xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC), in AMISOM oo kaashaneysa daneeyayaasha Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii ay u dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah si xor iyo xalaal ah.

Kailie, ayaa sheegay in hoggaanka Soomaaliya ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka guuraan qaabkii hore ee awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 si loo qabto doorasho qof iyo cod ah iyaguna ay door ka qaadan doonaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod 2020/2021-ka, iyadoo dhinaca kale howl-gallo baaxad leh oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka waddo gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...