Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay dib u habeynta qaab-dhismeedka IGAD

Date:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolka, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD.

             

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...