Agaasimaha Guud Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka “Waa in Dalka Laga Helaa Biyo Nadiif Ah Guud ahaantiis”

Date:

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal kala duwan kuwaas oo loogu talo galay in guud ahaan dalka laga helo biyo nadiif ah si-ay dadku uga badbaadaan Caafimaad daro ka dhalan karta biyo aanan soo marin hanaankii sifeynta ee loo qorsheeyey.

Wasaaradda Tamarka iyo Kheyraadka ayaa dhawaan magaalooyinka Baladweyne, Baydhabo iyo kuwo kale ka sameysay biyo dhaamin kadib markii dadka saameyn ku yeesheen roobab sababay in lawaayo biyo nadiif ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka  Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay qeybo badan oo kamid ah dalka dadka biyo harqiyeen arrintaasna keentay in lawaayo biyihii nadiifka ahaa ee Ceelasha, Baraagaha iyo meelaha kale ee biyaha laga cabi jiray.

Waxa ugu muhiimsan ee Wasaaraddu qabatay ayaa ah in dadka lasiiyo biyo aanan caafimaadkooda wax saameyn ah ku leelan maadaama dhibtaao kale heysto oo kamid tahay inay guryahoodii isaga barakaceen.

“Meelo badan oo dalka kamid ah waxaa ku fatahay biyo badan dadkuna waxaa ay kacabanayaan biyo la’aan marka waxaa qasab nagu noqotay in dadka biyo dhaamin loo sameeyo arrintaasna waan ku guuleysanay inaga oo gaashaneyna dowlad Goboleedyadda dalka” ayuu yiri  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...