Safiirka DFS U Fadhiya Washington DC Oo Socdaalo Ku Maraya Goballada Mareykanka Ee Ay Degaan Soomalida

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya  dalka Mareykanka Ali Sharif Ahmed iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Osman.

Kulankaasi dhexmaray dhinacyadaasi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isugu xiri lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Safaaradd Soomaalida ee Washington DC oo ahmiyad gaar ah u leh jaaliyaddaasi,waxaana Safiirka uu  kulamo gooni gooni ah la qaatay qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Safiirku waxa uu ballan qaaday in safaaradu qaban doonto howlaha loo idmaday iyo in ay ka soo dhallaali doonto rajada Jaaliyadaha Maraykanku ka qabaan isbaddal lagu sameeyo maamulka ,gaar ahaan sidii safaaraddu irdaha ugu furi lahayd dadka Soomaaliyeed.

Safiir Ali Shariif Ahmed ayaa looga fadhiyaa mudada uu socdaalka ku marayo gobolada Mareykanka in uu wax ka qabto xalinta dhibaatooyinka gudaha Mareykanka ku qabsaday Jaaliyadda, sii deynta caruurta xabsiyadda ka buuxda, xal u helida dadka sharci la’aantu ah ee dowladda mareykanku musaafuriso, mushkiladda xawilaadaha ee Bangiyada iyo arimo kale oo aad u badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...