Shir ku saabsan Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Uganda

Date:

Shirkan oo looga hadlayey horumarinta Maaliyadda Dalka ,isla markaana ay ka qeybgaleen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda dhexe ee dalka  iyo  dowlad goboleedyada iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay wadanka Uganda.

Wasiirka wasaarada Maaliyada dowlada gobaleedka Hirshabeelle Cabdishakuur Abuukar Xasan oo La Hadley Radio Muqdisho ayaa Sheegey in shirka looga Hadley Mudadii uu socdey sidii loo mideyn lahaa shuruucda lagu hagayo dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle C/shakuur Abuukar Xasan ayaa sidoo kale waxa u sheegey in Shirkan hirshabeelle ahaaan u muhiimad gaar ah u lahaa ayna muhiim tahey in dhaqaalaha dalka mideyntiisa si mideysan looga wada qeyb qaato.

Wasiir Cabdishakuur Abuukar Xasan ayaa u mahadceliyey mas’uuliyiinta Shirka kasoo wada qeybgashey iyo  madaxda safaaradda magaalada Kampala.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...