Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Oo Masar Kaga Qeyb Galay Shirka Golaha Wasiirrada Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta ‘Sawirro’

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane; Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar uga qeyb galay kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa ka hortagga dembiyada abaabulan, la dagaallanka musuq-maasuqa, cirib tirka Lacag dhaqista, hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Kulanka waxaa lagu soo dandhigay heshiisyo dhowr ah oo ay leeyihiin Dowladaha Jaamacadda Carabta oo la xiriira qodobbadii laysla soo qaaday.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa Guddoonka kulanka la wareegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Baxreyn. waxaana ku wareejiyay xilka meertada ah Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan oo Sanadkii hore Guddoonka hayay.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha garsoorka ,Xasan Xuseen Xaaji ayaa si weyn usoo dhoweeyay qodobbadii shirka layskula soo qaaday, isagoo bogaadiayay qorshaha Dowlada Jaamacadda carabta ay ku doonayaan in ay wax badan wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...