Soomaaliya & Marooko Oo Is-Weydaaranaya Xogo Dhinaca Garsoorka

Date:

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya  ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dalka Marooko.

Agaasimuha ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale  ee la socday uga warramay hannaanka dhismaha hay’adaha cadaaladda Dawladda Marooko iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin.

Wuxuuna tusaalayaal kasiiyay sida ay u wada shaqeeyaan bahda cadaaladda Dawladdiisa, isagoo si gaar ah uga warbixiyay dhinacyada Maxkamadaha , xeer-ilaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta sharciyada oo ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo.

Wuxuuna ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey agaasimaha guud haddiyad yar oo xasuus iyo mahadcelin ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...