Howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ah oo ka socda Dh/mareeb

Date:

Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidanka ayaa xalay waxaa lagu arkayey qeybo kamid ah xaafadaha Dhuusamareeb iyo sidoo kale meelaha muhiimka.

Taliska Booliska ee Dhuusamareeb ayaa horay amar uga soo baxay waxaa uu ahaa in gudaha magaalada aan hub sharci darro ah lagu dhexqaadan karin ciddii amarkaas jabisana sharciga lahorgeyn doono

Ciidanka  Amaanka ayaa qorsheeynayaa  siddii ay uga hortagi lahaayeen dadka hubka ku dhexwata Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa marti galinta doorashadda Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo tan Baarlamaankaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka shaqada XFS oo Shirka Wadatashi ah kusoo gabagabeeyay Baydhabo 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Taliyaha CBS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Saraakiil soo qaatay heerka labaad ee Waxbarashada 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka

Gudigga maadaxa banaan  ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ...