Mareykanka oo Haftar ugu baaqay in uu joojiyo dagaalada uu ka wado duleedka Tripoli.

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday ciidamada Qaranka dalka Liibiya in ay joojiyaan dagaalada hujuuumka ah ee ay ku qaadayaan magalaada caasimadda ah ee Tripoli .

Hadaladaasi ayaa ka dambeeyay bayaan ay maalinimadii Khamiista soo sareen Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka dib markii wadahadallo lala yeeshay wafdi ka socday  dowladda xarunteedu tahay Tripoli/

Washington ayaa ku eedeysay Moscow inay ka faa’iideysaneyso khilaafka ka taagan dalka Liibiya,waxayna ku boorriyeen Generaal Khalifa Haftar in uu joojiyo weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan caasimada Libya.

Ciidamada Libya ayaa u kala qeybsamay kooxo iska horjeeda oo xarumo ka kala dhigtay Tripoli iyo bariga tan iyo sanadkii 2014,waxaana mudadaasi sii kordhay kala duwanaanta fikradaha kooxaha hoggaamiyaasha kadib markii ay NATO horay u taageertay afgembigii taliyihii muddada dheer jiray Mucamar Qaddaafi saddex sano ka hor.

Bishii Abriil ee sanadkaan  Haftar iyo ciidamadiisu waxay bilaabeen duullaan si uu ula wareego caasimada Liibiya oo xarun u ah dowladda ay aqoonsan yihiin caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...