Somalia iyo Kenya oo heshiis gaaray.

Date:

Nayroobi, Nofeembar 14, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi.

Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...