Somalia iyo Kenya oo heshiis gaaray.

Date:

Nayroobi, Nofeembar 14, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi.

Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...