Duqa Muqdisho Oo Ka Qeyb Galay Shirka Barasaabyada Oo Ka Furmay Durban

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasoo maanta ka furmay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay ee uu ka qeyb galo Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, tan iyo markii xilka loo magacaabay labo bil ka hor.

Inta uu socdo shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo kala duwan oo ku saabsan horumarka iyo koritaanka magaalooyinka caalamka, iyadoo Caasimadda Muqdisho ka mid tahay magaalooyinka ka soo koraya oo ay xilligan ka muuqato horumar iyo kobac dhaqaale.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa la kulmay dhiggiisa duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada magaalo, xiriirka iyo in la mideeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Bristol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...