Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in Soomaaliya laga taageero xagga Tamarta

Date:

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta , Ahmed Aboul Gheit, ayaa ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka aha Jaamacadda Carabta iyo hay’adaha dhaqaalaha bixiye ee heer Gobolka in Soomaaliya laga taageero dhanka farsamada iyo Tamarta.

Ahmed Aboul Gheit, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la tababaro Dadka ka shaqaynaya howlaha farsamada iyo tamarta si kor loogu qaado xirfaddooda.

Xoghayaha ayaa ujeedka baaqiisa ku tilmaamay sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka xagga korontada ee haysta Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha, ahna Madaxa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Carabta, Kamaal Xasan Cali oo ku hadlayay Magaca Xoghayaha ayaa isaga oo ka qeyb galayay meertada 13-aad ee shirka Golaha Wasiirrada Tamarta Dowladaha Carabta wuxuu intaa ku daray in 40-ka Sano ee soo socda ay Mashaariicda xagga Tamartu gaari doonaan 45 Trillion, sida ku cad warbixinno Dowli ah oo uu kaaliyuhu soo bandhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...