Wasiir Beyle oo madaxda Bangiga horumarinta Afrika kala hadlay kaalintooda Ku aadan deyn cafinta Soomaaliya

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...