Guddiga is-xilqaan oo Maanta lagu wareejiyay Baabuur

Date:

Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa Maanta Gaari Toyota dul bannaan ah ku wareejisay Guddiga is-xilqaan ee Gacanta ku haya dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Wasaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dalka, Cabdi Aadan Hoosoow  oo goobta ka hadlay ayaa guddiga is-xilqaan ku bogaadiya shaqada ay Qaranka u hayaan ee dib loogu dhisayo Dalka, wuxuuna ballan qaaday in ay mar kasta Garab taaganyihiin masuuliyiinta Gacanta ku haya barnaamijkan.

Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisulwaaraha Dalka ahna isku duwaha barnaamijka is-xilqaan ,Maryan Aadan Amiin ayaa si weyn ugu mahad celisay Wasaradda howlaha guud iyo dib dhiska Baabuurkan ay ugu deeqday Guddigan.

Marwo; Maryan ayaa sido kale sheegtay in Baabuurkan lagu qaadi doono shaqalaha Guddiga is-xilqaan, isla markaana uu wax badan ka tari doono howlaha dib u dhiska ee Dalka ka socda.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...