Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Washington, D.C ee dalka Marekanka ayaa la kulmay  madaxweyne ku-xigeenka bangiga Adduunka,Havez Ghanem.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay taageerada uu bangiga adduunku siiyo Soomaaliya, gaar ahaana mashruuca Ilaalinta Bulshada iyo shaqo abuurka.

Mashruuca Ilaalinta Bulshada oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu ku taageerayo bangiga adduunka, ayaa sannadkan gaaraya 200,000 (labo boqol oo kun) oo qoys, waxaana lagu wadaa inay ka faa’iideystaan 1.2 milyan oo bulshada nugul ah, wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya qoysaska reer miyiga ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha.

“Kullankeenna wuxuu ahaa mid miro-dhal ah, bangiga adduunka waxaan uga mahadceliyay taageerada uu siiyo dalkeenna, waxaan si gaar ah uga codsaday sidii uu ku sii socon lahaa tan iyo inta dalka deymaha laga cafinayo isku filnaasho dhaqaalana aan ka gaareyno, mashruuca Ilaalinta Bulshada kaas oo taageero dhaqaale ay ku helayaan qoysaska nugul iyo kuwa miyiga ku nool” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka wuxuu ballanqaaday sii soco-shada mashruucan,wuxuu caddeeyay sannad dheeraad ah inay ku dari doonaan.”

Docda kale, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu ka qeybgalay kullan heer wasiirro oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad saddex boqol oo wakiillo caalamka ka socday ah oo looga hadlay daryeelka bulshada iyo shaqo abuurka, kullan dooddeedka ayuu wasiirka ku soo bandhigay dadaallada ay dowladda wado iyo sida ay xilligan uga go’antahay in si furan dalka loogu soo dhaweeyo maalgashadayaasha.

Muddada uu dalka Marekanka ku suganyahay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa uu kullamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin dalkaas iyo deeq bixiyayaasha oo shaqo abuurka iyo taageerada bulshada uu kula hadli doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...