Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaano Ka Tirsan Sh/Dhexe

Date:

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaa, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ee ku sugnaa isaga barakaceen.

Tuulooyin ku dhow 10 Tuulo ayuu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne, sidoo kale xaafado ka tirsan degmada Mahadaay ayuu wabiga ku soo fatahay.

Guddoomiyaha Tuulada Buurfuule C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in illaa 300 oo qoys ay ku barakaceen fatahaada, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle in gurmad degdeg ah lala soo gaaro qoysaska ku barakacay fatahaada.

Waxaa laga cabsi qabaa in fatahaada wabiga ay goyso wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaddib markii daadadka ka dhashay fatahaada wabiga ay gaareen duleedyada magaalada Jowhar.

Fatahaadaha Wabiga Shabelle ayaa ka dambeeyay roobabka xilligan da’aya iyo wabiga oo biyo badan keenay, taasoo keentay inuu karkaar jabsado oo uu ku fataho deegaanada uu maro oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...