Mareykanka oo duqeyn ku dilay Hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi

Date:

Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey  Hogaamiyaha  Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn .

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday  gobolka Idlib ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo saaro Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley .

Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxahaasi shanti sano ee ugu dambeysay, isagoo ka mid noqday dhowr taliye oo ka howlgalay Ciraaq iyo Suuriya,waxaana Mareykanku ay horay u shaaciyeen in lagu dilay duqeyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...