Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Ugu Baaqay Deeq Bixiyeyaasha Ay Gacan Ka Geystaan Fatahaadaha

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay Qatar bini-aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo gobalada qaar durba ka bilaabay fatahaad.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu beeqay hay’adaha deeq bixiyeyaasha iyo dhammaan xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha deg deg ah in ay ka qayb-qaataan gurmadka dadka ay dhibaatada saameysay sidoo kalane loo baajin lahaa in dad kale ay barakacaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay soo gaartay cadeymo muujinaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaanno hoos yimaado magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobalka Hiiraan islamarkaana ay ka barakaceen kumanaan shacab ah oo u badan danyar.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana uu saameeyo dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee ku nool jiinka Wabiga.

Wabiga Shabeelle ee mara gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ayaa durba bilaabay in uu ku fataho degaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana Beladweyne todobaadkii las oo dhaafay ka barakacay in kabadan 11 kun oo qoys kuwaas oo ku noolaa hareeraha wabiga, halka wabiga Jubba la sheegay in laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo taas oo walaac ku abuurtay dadka degaanka.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...