Wasiir Sadiiq: Waxaan Haynaa In Ka Badan $15 Milyan Oo Doolar Looguna Talo Galay Mashruuca Badbaadada Bulshada

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaadayo tallaabooyinkii ugu horreeyay ee yareynta faqriga iyo shaqo la’aanta.

Wasiirka oo khudbad ka horjeediyay Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo Baarlamaanka loo soo gudbiyay akhrinta koowaad ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada.

“Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mashruuca badbaadinta bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo intaa ku daray ”Mashruucan wuxuu gaarayaa dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo.”

Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka, iyadoo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada uu caddeeyay in ay ka go’antahay in la dhimo shaqo la’aanta iyo faqriga ama saboolnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...