Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xariga ka jaray taallooyinka qadiimiga ah.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda astaamahan iyo casharrada ma guurtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay waqti kasta kala bixi karaan sooyaalkeenna ay ku suntan yihiin midnimada iyo geesinimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid uga dul-istaagay taariikhda bidhaameysa ee halyeeyadan, waxa uuna Alle uga baryey dhammaantood in uu ka abaal mariyo halgankii xornimadoonka ahaa iyo in ay naftooda u hureen si dadkooda iyo dalkooduba ay xor u ahaadaan.

“Dalkeennu waxa uu leeyahay halyeeyo badan oo ay tusaale u yihiin halgameyaashan aan maanta maamuuseyno, waxaan rajaynayaa in aan wado xusno si la mid ah taalooyinka maanta halyeey kasta oo dalkeenna wanaag ku daray. Dhammaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka Soomaaliyeed waxa ay naga mudan yihiin maamuus iyo duco.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay sii amba-qaadaan halgankii halyeeyadooda, kana miro dheliyaan hiigsigii ay naftooda u horeen oo ku saleysan midnimo, wax-wadaqabsi iyo in ay noqdaan dad iyo dal miisaankooda ku leh dunida.

“Dhammaan Halyeeyadan waxa ay ka wada shaqeynaayeen xornimada dalka, gumeysiga, quursi iyo qabjabka in uu dalkeennu ka xoroobo, sidoo kale dadkeennu ay qabyaalad ka xoroobaan, taas ayaana sabab u noqotay in aan yeelanno Qaran haybad, sharaf iyo maamuus kulahaa caalamka. ”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay Barnaamijka Isxilqaan oo horseeday in dib loo dhiso, laguna dayac tiro goobahan taariikhiga ah ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyadoo kuwo kale oo haatan gabo gabo maraya, waxa uuna uga mahad-celiyey muwaadin kasta oo xooggiisa iyo xoolihiisaba geliyey dib u dhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashiga  Istiraatiijiga ah

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed...