Wasiiru Dowlaha iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Date:

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Kuxigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxda ayaa isla qaabeeyey hannaanka xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee labada dal iyo sidii loo dardargalin lahaa qorsheyaasha iskaashi ee ay horay isula garteen labada dowladood.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlalaha iyo Kusimaha Agaasimaha Madaxtooyada ayaa uga warbixiyay Danjiraha fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo isdhaafsiga ganacsiga ee ka dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shiinaha.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay kobaca muuqda ee dhanka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, isaga oo muujiyay in ay ka go’an tahay dalkiisa sare u qaadidda iskaashiga maalgashi iyo ganacsi.

 

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...