Ra’iisul wasaare ku xigeenka: “ICJ waa markii ugu dambeysay ee dacwadda ay dib u dhigeyso.

Date:

Maxkamadda Caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa dacwaddii badda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dacwadda la qaadi doono 8 -12-ka June ee 2020.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oggoshahay go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Fadhigii hore ee gar-maqalka labada Dal ayaa loo asteeyay 9 illaa 13-ka September ee sanadkan, hase yeeshee Kenya ayaa ka dalbatay ICJ in ay waqti dheeri ah u baahan tahay, sabab ay ku sheegtay in ay kala dirtay qareennadeedii ku metelayay dacwadda.

Maxkamadda ICJ ayaa codsiga Kenya oo sanad ahaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in muddo laba billood ah horay loo dhigay jadwalkii hore, waxaa ay ICJ asteysay 4-ta November ee isla sanadkan.

Aqbalaadda ay Soomaaliya akhbashay dib u dhigista dacwadda ayaa lagu tilmaamay biseyl ay gaartay Soomaaliya isla markaana muujinaysa kalsoonida ay ku qabto lahaanshiyaha biyaheeda, una hoggaansami doonto xukunka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ICJ.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...