Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Maanta ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker oo Baydhabo gaaray.

Kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wadahadleen sidii hay’adda IOM u kordhin lahayd shaqooyinka ay ka wadaan KGS iyo sidii ay uga warqabi lahayd Arrimaha barakacayaasha iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa uga mahad-celiyey Madaxda hay’adda shaqooyinka ay wadaan, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan arrimaha la xiriira barakacayaasha iyo tayeynta Caafimaadka.

Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay kordhinta adeegyada shaqooyinka oo ay ka wadaan Koonfur Galbeed, islamarkaana ay sigaar ah u wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo xilligan dareemaya qabowga roobka deyrta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KG Axmed Madoobe Nuunoow Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Maxamed C/qaadir Baafo iyo madax kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...