Danjiraha Somalia ee dalka Sudan oo waraaqaha laga guddoomay.Sawirro”

Date:

Danjire Maxamed Isxaaq ibraahim ayaa maanta si ramsi ah Warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay Gomoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan, laga bilaabo maanta wixii ka danbeeyana noqonaya Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan

Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim markii laga gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga u mahadceliyay Guudoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu noqda Safiir buuxa maanta, kana shaqeyn doono Xiirka labada Dal ee soo jireenka ah Shacabka Soomaaliyeedna Abaal badan uhayaan Dowladda Suudaan oo dhan walbo ka taageertay.

Dhanka kale Danjiraha ayaa ka codsaday in si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ku dhaqan sidii ay isaga kaashan lahaayeen kor ugu qaadi Sharafta qeybaha kala duwan Soomaalida ku dhaqacan Dalka Suudaan mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka

Aqoonsiga maanta loo Aqoonsaday Safiir Maxamed Isxaaq ayaa waxaa ku wehlinayay Tiro Safiira ah kuwaa oo ka kala socday Wadamada Caalamka Qeybahooda kala Duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...