Wasiir Fahmo oo guddoomisay shir ku saabsan qorsheynta qaranka.

Date:

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Marwo Fahma Axmed Nuur ayaa guddoomisay Shirka billaha ah ee Wasaaradda Qorsheynta.

Shirkan ayaa looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda oo ay ka mid yahiin diyaarinta qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo 26 September ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda, diyaarinta Istaraatijiyadda maalgashiga oo dhawaan la horgayn doono golaha Wasiiradda iyo Diyaarinta Istaraatijiyadda Dowladd gobaleedyada oo bilaaban doonto dhawaan.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray heerka uu marayo Shirka Istaatistics oo horyaalla Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka FS, sahannada kala duwan oo ay sameeyeen Agaasinka waaxda Istaatistics iyo Warbxinita isbadalka cuntada iyo badeecadaha suuqyada (CPA).

Ugu dambeyntii Shirka waxaa lagu bogaadiyay shirka golaha horumarinta qaranka (NDC) ee 24 September Ka qabsoomay magaalada Muqdisho oo ay Wasiiradaha Qorsheynta Dowlad gobaleedyada iyo Wasiiradda Qorsheynta qaranka ay ku meel mariyeen mashaariic muhiim u ah dib u kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...