Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay saameynta roobabkii ka da’ay caasimadda.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed {Filish} oo sheegay in roobabkii ka dagay caasimadda ay biyo fariisteen wadooyinka qaar isla markaa waxaa uu balan qaaday in maamulkiisa ay ka go’antahay inuu wax ka qabto arintaas.

Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay xafladda furitaanka kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka labada gole ayaa sheegay in roobabkii labada maalin ka da’ayay caasimadda ay wax badan ka badaleen nadaafadda magaalada isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa codsaday in lagu gacansiiyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo idmaday si wax wanaagsan uu uqabto.

waxaan ka codsanayaa cid kasta oo halkaan fadhisa ama bulshada guud ahaan in la igu gacansiiyo sidii aan caasimadda dalka uga dhigi lahaa mid tiigsata caasimadaha caalamka ee hormaray” ayuu yiri Mr Flish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...