Danjire Maxamed Isxaaq oo gaaray Khartum lana kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan.

Date:

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Sadax Geesoodka ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadiisa Aqoonsiga ay ka gudoontay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Suudaan Asma Cabdalla

Safiir Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiir Asma Cabdalla ka hor inta aysan ka gudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh isagoo cadeeyay in Dowladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaas oo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad waxuuna intaa ku daray in ka Safiir ahaan balan qaadayo sidii kor loo qaadi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed Labada Dal ee Walaalaha ah ka dhaxeeya

Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka gudoontay Nuqul ka mid ah Warqadiiaa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim una mahad celisay sheegtayna in ay u rajeysay in uu ka shaqeeyo xiir wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah.

    1. Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Gudoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dalka Suudaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...