Mareykanka oo si rasmi ah safaaradiisa uga furanaya Soomaaliya.

Date:

Bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Safaaradda ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Waxa uu yiri “Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...