Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka

Date:

Geneva – Sebtembar -25-2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...