Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedayda oo kawadda hadlay Qorshaha horumarinta Qaranka

Date:

Kulan wada tashi ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ayaa looga hadlay halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Shirka Golaha horumarinta Qaranka ayaa si wayn looga hadlay diyaarinta qorshaha horumarinta oo meel gabo-gabo ku dhow, kaasi oo lafilayo in la hor geeyo  golaha Wasiirrada si ay u meel mariyaan.

Qorshahan ayaa sida ku cad waxaa ka mid ah siyaasadda deeqaha Caalamka uu siiyo Soomaaliya, kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , khayraadka, wax soo saarka , dhismaha Waddooyinka , kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, maalgashiga ganacsiga ,maaraynta Biyaha iyo xoojinta dowladnimada .

Wasiirka Wasaaradda Qoshaynta mudane; Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahaan uu wax badan ka duwan yahay kuwii hore, maadaama ay haatan Soomaaliya gacanteeda  ku sameeysaneyso si loogu saleeyo baahiyaha dalka ka jira.

Asad Yuusuf  Qanyare, Maareeyaha horumarinta qorshaha qaranka ayaa sheegay in ay maalmaha soo socdo ay horgayn doonaan qorshahaan golaha Wasiirada, si loo meel mariyo.

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Novembar 2018kii kii meel mariyay geeddi socodka qorshaha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...