Maamulka Sh/hoose oo Gargaar Gaarsiiyay Dadkii Argagixisadu Dhibaatada ugu Gaysteen Qoryoolay

Date:

Qoryoolay-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa booqday degmada Qoryooleey halkaasi oo ay maleeshiyada argagixisada Al Shabaab ay dad shacab ah oo dagan magaaladaaasi ay dhibaato u geysteen.

Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ayaa madaafiic ku tuuray magaaladda Qoryoolay, waxaana madaafiicdaas dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka u qaabilsan Shabeelada hoose Maxamed Cali Cumar Jubba ayaa SONNA u sheegay in guddomiyaha  Gobalka Shabeelada hoose  Ibraahim Aadan Najax   uu balanqaaday in maamulka gobolka oo kaashanaya dowlad gobolleedka K/Galbeed ayna dhisi doonaan guryihii ku dumay weerarada.

Guddoomiye Najax ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka Shabaab laga cirib tiri donoo deegannada hoos yimaada dagmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelada hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay jab xooggan ugu gaysteen argagixisada degmada Qoryoolay oo in muda ah dhibaato ku hayay shacbiga ku nool deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...