Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixinta billowga ah ee cahdiga caalamiga ah ee caruurta.

Date:

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ku dhawaaqday soo saarista warbixinta billowga ah ee Soomaaliya ee ku aadan fulinta axdiga caalamiga ah ee xuquuqda carruurta (CRC).

Wasiir Deeqo waxaa ay sheegtay in cahdigaasi uu ahmiyad weyn siinayo xuquuqda caruurta isla markaana ay Dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobe. Qodobka 44-aad ee Cahdiga Caalamiga ah ee xuquuqda caruurta ayaa ku waajibinaya dowladaha xubnaha ka ah jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa in ay gudbiyaan warbixintooda billowga ah.

Cahdigan caalamiga ah waxaa ay Soomaaliya saxiixday sanaddii 2015-kii muddo afar sano kadib ahna waxaa ay Soomaaliya gudbisay warbixinta billowga ah ee fulinta cahdigaasi, 1984-tii ayaa ugu dambeysay in Soomaaliya ay ka warbixiso cahdiyada caalamiga ah oo ay saxiixdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...