Shir looga hadlayay iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya xuduudaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamad sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa furay shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, kaas oo looga hadlayay iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha maamula xuduudaha laga soo galo waddanka.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintaasi waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka booliiska Generaal Cabdi Xasan Maxamed, Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane Dr Axmed Cali Daahir, Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaaka iyo jinsiyadda ayaa sheegay ujeeddada shirka uu xafiiskiisa soo qorsheeyay, waxaa uu ku dheeraaday marxaladihii ay soo martay hay’adda socdaalka.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa horumar ka sameysay dhinacyo dhowr ah oo la xiriira abuuridda xafiisyada gobollada si shacbiga ay ugu sahlanaato helista Passport-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...