Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Xudur.

Date:

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Xudur xarunta gobolka Bakool waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka iyo mas’uuliyiin kale, soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa si xoogga looga dareemayaa magaalada iyadoo shacab magaaladaasi ay si xooggan isugu soo baxeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Xudur  goob fagaara ah kula hadli doona bulshada magaaladaasi, ammaanka magaaladaasi ayaa si xooggan loo adkeeyay kadib Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan inta uu joogo Xudur la kulmi doona hoggaanka dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada koonfur galbeed si uu’ ugu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee kajira deegaannadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...